Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Qaar kamid ah ururada bulshada ayaa ka qeybgalay dood wadaag lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la xiriirtay hannaanka doorasho ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan dalka.

Dood wadaag oo si gaar ah looga hadlay doorka dhallinyarada iyo haweenku ay ku leeyihin doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa soo qaban qaabiyeen Madasha horusocodka Soomaaliyeed.

Dood wadagan waxaa mudadii ay socotay ka hadlay xildhibaan Ifraax Nuur, Guddoomiyaha madasha horusocodka  Ifraax Cumar Salaad,Afokaato Maaxamuud Duceysane  iyo xubno kale,kuwaas oo dhallinyarada ku dhiirigaliyay in ay doortaan cidda ay doonayaan  in ay ku aaminaan mustaqbalkooda.