Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen baadiyaha deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, ku khaarijiyey horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.
Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay, ayaa lagu beegsaday xubno Khawaarij ah oo sida la xaqiijiyay ku howlanaa aruurinta hantida shacabka Soomaaliyeed, iyagoo si khasab ah uga qaadan jiray waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka oo ah baada Shacabka ay kaqaadaan.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay, weerarka waxaa lagu dilay ilaa 7 khawaarij ah oo ay ku jiraan xubno muhiim ah oo door weyn ku lahaa dhaqaale uruurinta kooxda, kuwaas oo shacabka deegaanka ku cabburin jiray, kuna hayay baad iyo handadaad joogto ah.