Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.
Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si si diirran ugu soo dhaweeyay xubno uu horkacayo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Labada dhinac ayaa kulankaasi booqashada ah kadib halkaasi uga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka dibolomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka caalamka iyo horumarka ballaaran ee ka socda gudaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cabdisalaan Xasan (Dhaay), ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Aljeeriya, si uu xarigga uga jaro safaaraddaasi oo dhowaan laga hirgaliyay Dalka Aljeria.