Agaasimaha qaybta hawada sare iyo Dayax-gacmeedyada ee Soomaaliya mudane Maxamed Abuubakar oo matalayey wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa ka qeyb galay kulanka 48-aad ee Arabsat oo si fogaan-arag ah lagu qabtay 15-kii Luulyo 2025.
Shirka waxaa lagu ansixiyay warbixinta sanadlaha ah ee miisaaniyadda xisaab-xirka sannadkii 2024, iyo doorashada xubnaha cusub ee golaha Maamulka, kuwaas oo shaqeyn doona sannadaha 2025 iyo 2026.
Sidoo kale, dowladaha xubnaha ka ah ururka ayaa lagu wargeliyay in si rasmi ah loogu soo diri doono faahfaahinta deymaha saaran dal kasta, si loo xaqiijiyo in xaaladaha maaliyadeed la waafajiyo, loona ilaaliyo xasilloonida hay’adda iyo sii wadista adeegyada si hufan.
Waxaa kale oo la isla gartay in Shirka Sanadlaha ah ee sannadka 2026 lagu qabto magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah xarunta ARABSAT.
Sanadkaas 2026 waxaa sidoo kale loo dabaal-degi doonaa 50 sano guurada aasaaska ururka ARABSAT.
Xubnaha Golaha Maamulka ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee ARABSAT sannadaha 2024 iyo 2025.
Agaasimaha Qeybta Hawada Sare, Mudane Maxamed Abuubakar, ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta hawada sare ee Carabta.
Ka qeybgalka shirkan wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee ku aaddan xoojinta xiriirka Carabta iyo horumarinta teknoolojiyadda hawada sare.
Shirka waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Agaasimaha Qeybta Hawada Sare iyo Dayax-gacmeedyada, Mudane Maxamed Abuubakar, iyo xubnaha Abuubakar Xasan iyo Cali Afey.