Laascaanood:-Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhameeystirka geedi-socodka SSC-Khaatumo, ayaa kulan talo-aruurin ah la yeeshay Hoggaamiye Ku-xigeenka SSC-Khaatumo Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine).
Kulankan ayaa qeyb ka ah la-tashiyada uu guddiga la yeelanayo madaxda, saamileyda iyo daneeyayaasha geedi-socodka dhameeystirka SSC-Khaatumo, si loo xaqiijiyo geedi socod loo dhan yahay.