Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in ay xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga gudaha.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo, loogana hortago caqabadaha ay sababaan xayiraadahaasi.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay si degdeg ah u bilaabaan shaqada muhiimka ah, isla markaana ay soo jeediyaan talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo arrintan, iyagoo la kaashanaya hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulada degmooyinka.