Wasiirka hawlaha guud oo Madrid uga qaybgalaya shirka Afrika iyo Spain

Madrid: Shirweynaha Spain iyo Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nurur oo madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah ayaa hadlay arrimaha dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo qorshaha cusub ee Soomaaliya ee isbeddelka qaranka (2025–2029), kaas oo la jaanqaadaya Ajendaha Afrika 2063 iyo istaraatiijiyadda Spain–Africa.

Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda dib-u-dhiska dekedaha, wadooyinka, tamarta, biyo-xireennada, iyo isku xirka gobollada. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Spain iyo beesha caalamka inay maalgelin muuqata ku taageeraan horumarka Soomaaliya.

Halkudhigga sanadkan ee Soomaaliya: “Soomaaliya dib looma dhisayo, balse waa la beddelayaa.”

Tani waxay muujinaysaa hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee ku saleysan horumar, xasillooni iyo iskaashi caalami ah.