-Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.
Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomalaiyeed ay adkeeyaan.