Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.

Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.