Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo boogaadisay kaalinta waxqabad ee Sacuudi Carabiya

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS,gaar ahaan Agaasimaha Waaxda Carabta  Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid ayaa isku raacay in la dardargeliyo hannaanka hay’adaha duulista rayidka ee labada dal.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumarada la taaban karo ee laga gaaray dhanka amniga ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen guulaha la taaban karo ee ay gaareen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadihii u dambeeyay, taas oo ay qeyb weyn ku leeyihiin Dalka Sacuudiga oo bixiya taageerada joogto ah oo lagu garab istaagayo Soomaalia.

Agaasimaha Waaxda carabta iyo Safiirka Sacuudiga waxa ay kulankaasi isku dhaafsaden aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo diyaar garowga dalka ee doorashada tooska ah ee la filayo waqtiyada soo socda.

Mudane Maxamed ayaa boogaadiyay mowqifka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aadan in dalka Soomaaliya laga taageero dhinacyada amniga, xasiloonida iyo midnimada dhuleed ee dalka.