Ciidanka deegaanka oo shabeellaha dhexe ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee Macaawisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Labada horjooge ee la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka ayaa kala ah Cali Xabad iyo Maxamed Cadow, kuwaas oo door muuqda ku lahaa hagidda falalka argagixisanimo ee gobolka.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay tiro kamid ah maleeshiyaadkii la socday.

Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo ciidamada deegaanka ay markale muujiyeen geesinimo iyo feejignaan si ay isaga dulqaadaan cadowga.