Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale qaabbilay mas’uuliyiin hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka markale ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa ajndayaashii horay loogu heshiiyay ee ay kamid ahaayeen dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.