Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiir Isaaq ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Jarmalka ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan miisaaniyadda dheeraadka ah ee ay hadda ku taageerayaan arrimaha amniga iyo maaraynta khataraha, taas oo waafaqsan heshiisyada iskaashiga farsamo ee labada dal ay kala saxiixdeen sanadihii 1979 iyo 2017.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka mahadnaqay taageerada aan kala go’a lahayn ee Jarmalka ee muddada dheer la garab jogaan Soomaaliya.