Wasiirka arrimaha dibadda Malawi oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Malawi Nancy Tembo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoontay Danjire Ilyaas Cali Xasan.

“Waxaan si weyn u rajeynaynaa in ay fursadan horseedi doonto xoojinta xiriirka laabo geesoodka ah gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga, waxbarashada iyo iskaashiga guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.