War saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee loo yaqaano AUSSOM ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in 3 qof ay ka badbaadeen diyaaradda oo nuuceedu ahaa helicopter-ka oo subaxnimadii maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, sida laguna sheegay war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska AUSSOM.
Diyaaradan oo Helicopter ahayd ayaa ka soo kacday saldhigga Ciidamada Balidoogle oo 100-km dhinaca galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa 8 qof, 3-da la badbaadiyay ayaa la geeyay cisbitaalka AUSSOM ay kuleeyihiin magaalada Muqdisho.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sababta shilka keentay, sidoo kalena haatan ay si caadi ah u socdaan hawlaha garoonka.