Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo Midowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax-dhigga ka dib waxa uu Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, kuwaasi oo soo bandhiggay gaadda-ka-cayaar iyo dhoollatus ay ku muujinayeen cududda iyo qalabka Ciidamada Soomaaliya.
Munaasabadda, oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gawaarida kala duwan ee Ciidamada, hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo hawada sare kasoo daadinaayay warqado ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ka turjumaya xuska 1-da Luulyo.