Dar es Salaam- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Gobonnimada dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania, oo xalay la xarig jaray si rasmi ah markii dib u dhis ballaaran iyo qalabayn lagu sameeyay.
Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, diblomaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si wacan u qabsoontay.
Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta gobonnimada dalka ee ku beeggan Kowda Luulyo, isaga oo caddeeyay halganka taariikhiga ahaa ee Soomaalida ay naf iyo maal ugu hureen iska dul-qaadidda heeryada gumaysiga, xaqiijinta xorriyad iyo gobonnimo dhammaystiran oo qiimo mug weyn leh oo waara u leh midnimada, madax-bannaanida iyo hanka qaranka. Waxa uu bogaadiyay naf-huridda jiilashii hore, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhowridda qarannimada Soomaaliya iyo bedqabkeeda dhuleed, badeed iyo cir , iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi joogta ah.
Mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa xafladda dabaaldegga Kowda Luulyo, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhanka Dowladda Tanzania, waxaa xafladda uga soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
Dabaaldegga ayaa lagu furay calan-saarka iyo tumidda heeska calanka Soomaaliya. Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay martida, isaga oo ka hadlay qiimaha weyn ee ay leedahay 1-da Luulyo, xusayna in ay astaan u tahay midnimada iyo rajada qaranka.
Maalinta Gobonnimada Soomaaliya waxaa lagu xusaa midowgii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1-dii Luulyo 1960-kii, taasoo horseedday dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa maalin qaran oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, dibna loo millicsado waayihii adkaa ee loo maray xoriyadda, is-raaca iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waa maalin mudnaanteeda leh oo ku suntan himillada qarannimada dalka.