Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta Hay’adda SoDMA waxaa uu ku qaabilay Masuuliyiin kasoctay Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’addaasi Dr. Cabdislaam Cabdiraxmaan Maxamed.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Ku xigeenada labada Hay’adood, qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyaal sare ayaa ahaa mid lagu xoojinayay wada shaqeynta labada Hay’adood iyo isdhaafsiga Aqoonta, khibrahadaha iyo xogaha la xiriira horumarinta iyo arrimaha bini-aadanimo ee Dalka.
Labada dhinac ayaa hoosta kawada xarriiqay in ay muhiimtahay xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo helo xogo sugan oo waxtar u leh adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo midda Bini-aadanimaba..
Yoonis Duraan Cali