Ankara:-Wasiirka Dakedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara ayaa madaxtooyada dalkaas kulan kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha dowladda Turkiga taageerada dhinacyada badan leh ee Turkigu siiyo Soomaaliya.