Ugu yaraan 25 ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ka fuliyeen meel ku dhow degaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada hoose.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in xubnaha la laayay ay ku jireen horjoogayaal sare oo kooxdaasi muhiim u ahaa.
Sido kale ciidamada ayaa burburiyay saldhigyo muhiim u ahaa khawaarijta iyo gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay falalka lagu dhibaateeyo shacabka degaanka.