Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.
Wasiirka iyo wafdigiisa Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala oo kusoo wareejiyay qeybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada iyo qeybaha maamulka.
Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la kulmay Layli-saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen si ay dalka ugu soo laabtaan iyagoo xanbaarsan aqoon iyo xirfad ay uga qayb qaadan karaan amniga dalka iyo dib-u-dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.