Wasaaradda gaashaandhiga oo ka hadashay hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday Khawaarijta Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalka lagu guuleystay in la qabto xubno ka tirsan Khawaarijta, isla markaana gacanta lagu dhigay hub aad u badan.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesiyaasha CXD iyo kuwa AUSSOM ee “ Hawlgalka Duufaanta Aamusan” oo qeyb ka ah duulaanka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.