Khawaarijta oo burburiyay Buundada Bariire ee gobolka Sh/Hoose

Kooxda Arxan-laawayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qarxiyay, islamarkaana gabi ahaanba burburiyay, Buundada deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Buundada ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka ku hareereysan iyo guud ahaan Gobalka, maadaama Deegaanku yahay deegaan beereed, buundadana ay isku xiriirinaysay labada dhinac ee webiga.

Waa markii 2aad oo ay khawaariijtu qarxiyaan Buundada Bariire oo Saddex sano ka hor, dib u dhis lagu sameeyay, Falkan ayaa muujinya sida ay khawaariijta, kaga horjeedaan horumarka dadka iyo deegaanka.