Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Danjire Alper Aktas, u sameeyay madaxda iyo shaqaalaha markabka sahanka shidaalka ee “Oruc Reis,” kaas oo si guul leh u soo gabagabeeyay hawshii loo igmaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u aragtaa dhammaystirka guusha leh ee hawlgalkan oo socday muddo 234 maalmood ah mid astaan u ah iskaashiga istiraatiijiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale, waa guul muujinaysa awoodda iyo horumarka ay gaareen hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo suurtageliyay in mashruucan muhiimka ah uu si nabadgelyo ah uga fushay xeebaha dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay, “Guusha hawlgalkan sahanka ahi ma aha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa tiir adag oo loo taagay madaxbannaanideenna qaran iyo awoodda aan u leenahay inaan ilaashanno kheyraadkeenna. Waxay caddeyn u tahay in amniga iyo horumarku ay mataano yihiin. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Danjire Aktas, iyo dhammaan shaqaalaha markabka Oruc Reis ee ka soo dhalaalay shaqadan taariikhiga ah.
Markabka Oruc Reis ayaa maanta ka ambabaxaya dekedda Muqdisho, iyadoo xogta muhiimka ah ee uu soo ururiyay loo gudbin doono falanqeyn. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale ballan qaadaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta dhammaan hantida iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.