Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku hawlanaa baarista shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

2- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo kulankiisi toddobaadka looga dooday arrimah amniga, isla markaana ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda Hoos Mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka.

3- Wasiirka Caddadaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin ,ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in casuumaada shirka loo diray dhamaan mas’uuliyiinta looga talagalay.

4- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dalka dib ugu soo laabtey kadib safar shaqo oo uu ku tegay Ruushka.

5- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatey Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

6- Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb-gashay shirka heer wasiir ee Isku-duwayaasha hirgelinta go’aamada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

7- Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa dalka Faransiiska ugu qeyb-galay Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaaso looga hadlay horumarinta badaha adduunka.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kulan dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.

9- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka FOCAC ee lagu qabtay Shiinaha.

10- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa magaalada Changsha ee Shiinaha kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yi.

11- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka India, kadib shilkii diyaaradeed ee Air India oo ka dhacay magaalada Ahmedabad ee dalkaasi India, kaas oo dad badan ay ku dhinteen.

12- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq dawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka (Macawisleyda) ee ku sugan Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
13- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Geneva uga qeyb-galay shirweynaha heerka caalami ah ee yareynta khataraha musiibooyinka.

14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay sannadkan u fariisteen ardey tiradoodu gaareyso 41,639.

15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda dalalkooda sannadkan.

16- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka ee dalka Sacuudiga kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta ee dalka Turkiga ,Prof. Dr. Ali Erbash.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada, oo looga hadlay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 – 2030.

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar nabadeed ku tagay degmada Gelinsoor ee gobolka Galguduud, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay gogol nabadeed oo xal looga gaarayo colaadaha sokeeye, laguna heshiisiinayo beelo halkaas ku dagaalamay.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin (Fiqi) oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta ay haatan yihiin kuwo firxad ah, kuna jira xaalad jahwareer iyo Quus ah.

20- Guddiga qaban-qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa yeeshay shirar lagu dardar gelinayay diyaar garowga xuska maalmaha xoriyadda dalka ee nagu soo foodda leh.

21- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan diiradda lagu saarayay horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka ganacsiga dalalka Geeska Afrika.

22- Hawgallo qorsheysan oo Hay’adda NISA ka fulisay degaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa lagu dilay in ka badan 40 maleeshiyaad oo tirsan khawaarijta.

23- Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) oo Khawaarijta u qaabilsanaa dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, iyo Horjooge Jeylaani oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadaha ayaa lagu dilay degaanka Ceel Hareeri ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

24- Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibadda caalamka ayaa dilay 13 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawlgal ka dhacay degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelleha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

25- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbeddelka iyo casriyaynta warbaahinta u soo xirtay suxufiyiin ka socda qeybaha warbaahinta ee dalka.

26- Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay Madaxa Golaha Sare ee Doorashooyinka Turkiga Ahmet Yener.

27- Wasaaraddda Warfaafinta ayaa ka qeyb gashay shirka Guddiga Dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) kaas oo looga hadlay yihiiin arrimaha dhaqanka iyo kuwo kale.

28- Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ku ammaantay inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray qorshaha raadraaca iyo maareynta rasaasta.

===========DHAMMAAD==========