Wasaaraddda Warfaafinta XFS oo ka qeybgashay shirka Urur Goboleedka Bariga Afrika ee (EAC)

Madaxda Wasaaraddda Warfaafinta XFS ayaa Magaalada caruusa ee Dalka Tansaaniya uga qeyb galay shirka guddiga Dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (EAC).

Shirkaasi oo ay xaadireen qaar kamid ah agaasimayaasha iyo maareeyayaasha warfaafinta ee Bariga Afrika,waxaa looga hadlay soidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada Waxbarashada, Sayniska iyo Iskaashiga dhaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo qalabka fogaan aragga uga qeybgalay shirkaasi ayaa sheegay in kulankaasi si gaar ah looga hadlay arrimaha dhaqanka iyo kaalinta ay ku leetihiin is-dhexgalka bulshada,nabadeynta , dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranka.