Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay halgan adag u soo galeen badbaadinta dadka Soomaaliya oo in muddo ah ku hoos noolaa maamulkii gumeysiga ee shisheeye.
Wasiirka ayaa xusay in dhalinyaro badan ay soo hooyeen guushii gobanimada,kadib markii qaarkood ay naftooda ku waayeen xorriyad doonkii Soomaaliya,halka kuwo kale laga buuxiyay xabsiyo gaar ah.
“Dhallinyaradii SYL in dalkeenu xor noqdo waxay u soo mareen dhibaato badan,sidaa daraadeed waxaa habboon in dhallinyarada maanta ay is-abaabulaan oo la yimaadaan door waxqabad oo lamid ah kii SYL” ayuu yiri Wasiir Xoosh
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh waxa uu ku taliyay in laga faa’ideysto awoodda dhallinyarada,isla markaana lagu jiheeyo sida ay uga qeybqaadan karaan badbaadinta dadka iyo dalka.