Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib u soo celiso saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waayay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024-kii, xilli ay ku jireen hawl kalluumeysi ah xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh (Aweys Qunjaaro), iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa maanta si farxad leh uga soo dagay garoonka Aadan Cabdulle, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socday Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya, iyo Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Soo celinta kalluumeysatadan ayaa suurta gashay iyada oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo garab istaagga kalluumeysatada Soomaaliyeed.