Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray Shiinaha

Changsha: Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Changsha ee dalka Shiinaha, halkaas oo ui uga qaybgali doono laba shir oo muhiim ah oo kala ah, shirka heer wasiir ee Isku-duwayaasha FOCAC, iyo Carwada 4-aad ee ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shirka FOCAC ayaa diiradda saaraya dhaqangelinta ballanqaadyadii laga gaaray shirkii Beijing ee 2024, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Shiinaha ay ku heshiiyeen in xiriirka labada dal loo qaado heer iskaashi istiraatiiji ah.

Carwada Changsha ayaa sanadkan markii ugu horreysay martigelineysa shirkado Soomaaliyeed oo si rasmi ah u soo bandhigaya wax-soo-saarka dalka — laga bilaabo malmalka iyo beeyada ilaa kalluunka, iyo dalaga beeraha — iyagoo raadinaaya suuqyo cusub iyo maalgashi caalami ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Hodan Cusmaan ayaa wafdiga soo dhaweysay, waxaana ay tilmaantay booqashada wsiirku inay astaan u tahay muhiimadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Shiinaha, waxayna xustay in safaaraddu si dhow ula shaqeyn doonto wafdiga si loo xaqiijiyo in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirarka iyo carwada uu miro-dhal dhab ah yeesho.