Galmudug oo laga daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka tooska ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug kaga qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne QoorQoor oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa si rasmi ah u daah furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filaayo inay ka dhacaan guud ahaan dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo bulshada Caasimadda Dhuusamarreeb.