Kulan looga hadlaya dardar gelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu qabtay Baydhabo

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashooyinka dadweynaha.

Odeyaasha dhaqanka ayaa muujiyay taageeradooda geeddi-socodka doorashooyinka in shacabka Soomaaliyeed talada lagu celiyo, iyagoo ballan qaaday inay ka qeyb qaadan doonaan wacyigelinta bulshada.