Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu howlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS), taas oo ay dhawaan ansixiyeen sharciga lagu dhisayey goleyaasha sharci dajinta Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa bogaadiyey howlgelinta Hey’adda (SARIS) ee ka shaqenaysa beeraleyda Soomaaliyeed in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee dhanka beeraha, lana oo la hubiyey tayadooda. Isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda iyo howlwadeennada, howlgelinta hey’addan ilaalinaysa waxtarka abuurka dalagga dalka la keenayo iyo midka la dhoofinayo.