Agaasimaha Hey’adda NISA oo boogaadiyay howlgallada ciidan ee ka socda Hir-Shabeelle

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta hey’adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Horshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre  Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye.

Sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.