Jowhar: Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen xarun ay Khawaarijtu isku uruursanayeen. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagaga saaray godod ay horay gabaad uga dhigan jireen.
Sidoo kale, maydadka xubnihii laga dilay kooxda ayaa halkaas yaallay, iyadoo cadowgu uu jab weyn kala kulmay dagaalka. Ciidamada deegaanka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgalkaasi, waxaana Khawaarijta laga saaray saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xadka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.