Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ubax-dhiggay xarunta taallada urrurka dhallinyarada qaranka ee caasimadda Muqdisho.
\Xafladda ubax-dhigga waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah xubnaha labada gole,maamulka gobolka Banaadir,saraakiil iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabaddaasi.
Madaxweynaha ayaa gacanqaaday qaar kamid ah dhallinyarada dugsiyada ee soo xaadiray xafladddaasi lagu maamuusaayey sanadguurada 82-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii maalinta dhallinyarada.
Xuska maalinta dhallinyarada ee sanadkan ayaa ku soo beegmay xilli ay muuqdaan ifafaalo iyo horumarro wanaagsan oo loo qaaday hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka.