Howlwadeennada waa as gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa abaarihii 6:32 maqribnimo ku baxay dab ka kacay Suuqa Balaaraha, qeybta Daawada ee Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Dabka ayaa ka kacay guri ka kooban lix-qol oo ganacsi ah, kaas oo lagu iibiyo Daawooyinka Kala duwan.
Waaxda Dab-damiska ayaa ku guuleysatay in ay dabkaas ku  xakemeeyaan halkii uu ka bilowday, waxayna badbaadiyeen 4-guri oo kale, kuwaas oo ay ku yaalaan 21-qol oo ganacsi ah laguna iibiyo daawooyinka isbeer-baaristiska ah iyo qalabka Elektaroonikada.
Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay 38-shaqaale oo ka tirsan naft-hurayaasha waaxda gurmadka deg degga ah,Maamulka degmada Howlwadaag iyo Agaasimeyaal.
Â