Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

(Nairobi):-Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay xafladda Abaalmarinta Habeenka Soomaalida ee 5aad oo ka dhacday magaalada Nairobi, isagoo oo wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Nairobi, Mudane Njoroge Muchiri.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey hal-abuurka, kartida, iyo doorka muuqda ee ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dhinacyada ganacsiga, cilmiga, hoggaaminta, farshaxanka iyo isbedel-doonka.

Safiir Jabril ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii abaalmarinta helay, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay guushan u adeegsadaan horumarinta naftooda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin iftiin hagaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.