๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐˜๐ž๐ฆ๐ž๐ง

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowladda Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan dhinacyada bulshada, qoyska, iyo xuquuqul insaanka. Labada dhinac waxay si wadajir ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada la xiriira ilaalinta iyo daryeelka xuquuqda dumarka, carruurta, iyo qoysaska nugul.

Wasiir Khadiija ayaa uga mahadcelisay Safiir Fadel booqashada uu ku yimid xafiiska Wasaaradda, iyadoo carrabka ku adkeysay sida ay uga goโ€™an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.