Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray wajiga labaad ee Tababbarka Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Intii uu tababbarka furayay, Guddoomiye Xasan Abshirow waxa uu ka hadlay muhiimadda uu tababbarkan u leeyahay hirgelinta nidaam caddaalad ah oo lagu jaangooyo darajooyinka iyo mushaaraadka, kaas oo saldhig u ah tayeynta maamulka shaqaalaha rayidka.
Wuxuu si gaar ah ugu dhiirrigeliyay xubnaha guddi-hoosaadyada inay si buuxda u qaataan kaalintooda, kuna shaqeeyaan daacadnimo, dulqaad iyo hufnaan.
Guddoomiyuhu waxa uu dardaaran u jeediyay ka qeybgalayaasha, isagoo xusay in xilka loo igmaday uu yahay mid muhiim u ah kobcinta dowladnimo, loogana baahan yahay in ay noqdaan tusaale wanaag leh oo hormuud u ah hirgelinta siyaasadda qaranka ee lagu horumarinayo nidaamka shaqaalaha rayidka.