
War-murtiyeedkii ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdosho 6-7 May 2025
1. Hordhac
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho October 6-7 May 2025. Shirka o qayb ka ah shirarka wadatashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hore ugu baaqay, waxaa ka soo qaybgalay Ra’lisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.
1. Warbixin
GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:
a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jirc argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.
b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga waribixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banadir.
2. Bogaadin:
a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogaga difaac: bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagaxisada, sida oo kale waxaa uu bogaadiyay sida ay dawlada federaalka u maaraysay qaabdhismeeka iyo howsha shaqo ee Howl Galka Midowga Afrika ee AUSSOM.
b.Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka howlaha diwaangalinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir. Waxa uuna ku dhiirigaliyey inay gaarsiyaan degaanada dowlad goboleedyada dalka.
3. Go’aamada Shirka
GWQ waxa uu si goto-dheer u falanqeeyay xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo bini aadanimo ee dalku ku suganyahay, wuxuuna ku heshiiyay qodobada soo socda:
1. Goluhu waxa uu isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.
2. Goluhu waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’ adaha dastuuriga ah ee dalka taas 00 aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan kuna qotoma dastuurka dalka.
3. Goluhu waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah.
4. Goluhu waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee Dalka kahirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is diiwaangeliyay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda.
5. GWQ isaga oo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee maalintii ciidda aheyd
(29 Maarso 2025), waxa uu isku raacay in Dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ay dardar galiyaan wadatashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka dalka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.
6. GWQ waxa uu isku raacay in wasaarada’Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah.
7. Goluhu waxa uu u isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka.
8. Goluhu waxaa uu Dowladda federaalka u soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo.
9. Goluhu waxa uu isku raacay in DFS iyo maamul goboleedyada ay si dhow uga wada shaqeeyaan duruufaha bini-aadanimo ee adag ee ka dhashay isbedelka cimilada iyo dagaalada argagaxisada si looga gudbo duruufaha adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.
10. Goluhu waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan süyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaga abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.