Wasiirka shaqada oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Dooxa: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee ku aaddan arrimaha shaqada, oo ay ka mid yihiin horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha waara iyo horumarinta bulshada. Waxaa si gaar ah loo dul istaagay dib u eegista heshiis iskaashi labada dal.