Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad oo furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga NIRA

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in helitaanka aqoonsiga Qaranku uu yahay xaq dastuuri ah oo muwaadinka u fududeynaya shaqooyinka iyo adeegga uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo daah-furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), ayaa xusay in hannaankani uu yahay mid sugan, oo u fududeynaya muwaadinku in uu si fudud ku helo aqoonsiga Qaranka.