GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.