Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeesay wajiga 3aad ee olalaha qaliimada caruurta ku dhasha wadna daloolka ayadoona ollolahan ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hayโadda Muntada, Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center, iyo Hayโadda Sadaaqa.
Olalahaan oo mid lacag la,aan ahaa ayay ka faaโiidaysteen in ka badan 70 carruur ah oo ku dhashay xaalad Wadna Daloolka Tallaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka Wasaaradda iyo hayโadaha kala duwan ee bulshada si loo taageero caruurta u baahan daryeel caafimaad.
Wasir Dowlaha wasaaradda Dr. Maryama, ayaa sheegtay in olalaha noocan ahi ay muhiim u yihiin caafimaadka bulshada, isla markaana ay ka caawinayaan in la yareeyo dhibaatada caafimaad ay wajahaan carruurta waxaxay sidoo kale ku boorisay waalidiinta inay ka aqayb qaataan wacyigelinada iyo barnaamijyada caafimaadka.
Ugu danbayn Dr. Maryama Mohamed Hussein Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa shahaadooyin gudoonsiisay dhaqatiirta iyo maaulyiinta kale ee ka qaybta ahaa ololahaan ayadoona xaqiijisay in wasaaradda ay ka go,antahay joogtaynta olalahaan si kor loogu qaado Daryeelka iyo Caafimaadka carruurta Soomaaliyeed.