Safiirka Soomaaliya u fadhiya London oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Boqorka dalka ingiriiska

Safiirka Soomaaliya u fadhiya London oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Boqorka dalka ingiriiska,Qasriga Boqortooyada ee magaalada London ayuu kaga gudoomay Boqor Charles III Nuqulkii Rasmiga ahaa ee Waraaqihiisii aqoonsig,munaasabada qaabilaada ayaa aheyd mid u dhacday si hab maamuuska sare leh.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Musuu’liyiin ka tirsan Aqalka Boqortooyada, Madaxa diblimaaasoyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska iyo La Taliyaha Koowaad iyo La Taliya Labaad ee Safaardaa mudane Dayib Sh. Mohamud Ahmed iyo mudane Abdi Ali Muse.

masuuliyiin ka tirsan Waaxda Hab maamuuska Boqortooyada ingriiska & Masuuliyiin ka socday Safaarada soomaaliya ee dalka Ingiriiska,

Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi. wax uu ahaa Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee UK burburkii ka hor, sidoo kale waxa uu soo noqday Xoghayahe labaad ee safaarada Soomaaliya ee dalka canada,

kadib bur burki soomaaliya waxa uu Waxbarasho u aaday dalka Mareykanka, isagoo ka soo laabtay 2010,markaasina waxa uu noqday wasiiru dowladaha qorsheynta maamulka Puntland.

Kadibna waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamankii 9aad ee DFS federaal a 2012,2015 waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradad dastuurka dowladda Federaalka,2016 waxa uu noqday wasiirka waxbarashada iyo hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya

Dabayaaqaddii sanadkii tagay ayaa loo magacaabay safiirka dalka UK waxuuna soo gaaray UK horaantii Janaayo ee sanadkan, haatan ayaana si rasmiga ah looga gudoomay waraqaaha danjirenimo ee danjiraha safarada soomaaliya ee UK