Geneva:-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland.
Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Khadra Axmed Ducaale iyo xubno ka tirsan howl-wadeennada safaaradda.
Wasiir Bashiir kulan miro-dhal ah oo uu la yeeshay Safiir Khadra Axmed Ducaale ayaa warbixin dhammaystiran laga siiyay howlaha muhiimka ah ee safaaraddu u qabato dalka Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta ka qaybgalka Soomaaliya ee hay’adaha iyo madalaha caalamiga ah iyo kor u qaadidda codka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjire Khadra Ducale sida ay uga go’an tahay u adeegidda danaha qaranka, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashi dhexmara wasaaradda iyo safaaradaha Soomaaliya si kor loogu qaado mowqifka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee caalamka.