Hiiraan:-Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku weeraray deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ku dhowaad 10 dhagarqabe ay Khawaarijta halkaas uga dileen, iyagoo kasoo furtay in ka badan 10 qori, waxaana si buuxda looga hortegay dhagartii ay halkaas kasoo maleegayeen.
Aaggii uu howlgalkaasi ka dhacay ee Khawaarijta lagu weeraray waxaa ku sugan Ciidamada Deegaanka ee gobolka Hiiraan, waxaana weli la sii baacsanayaa firxadkii Khawaarijta.