Algiers:-Xubnaha guddiga fulinta ee baarlamaanka Carabta oo ay Soomaaliya xubin firfricoon ka tahay ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.
Kulanka oo inta uu socday looga hadlay diyaarinta warbixinta shirka weynaha guud ee Guddoomiyaasha baarlamaanadda carabta oo dhowaan furmi doona ayaa Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo hore Soomaaliya ugu matalayay guddiga fulinta ee baarlamaanka carabta hadana ka mid noqday golaha wasiiradda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu xubinimadii Baarlamaanka carabta gaar ahaan guddiga fulinta si rasmi ah ugu wareejiyay Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed iyadoona uu goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.