Boqortooyada Ingiriiska ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) u sheegtay in Israa’iil ay qaado xayiraadaha ku aaddan gargaarka bini’aadanimo ee galaya Gaza,isla markaana ay xaqiijiso ilaalinta rayidka iyo dhowrista sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.
“Waa wax aan la aqbali karin in muddo ku dhow laba bilood Israa’iil ay xannibtay taageerada bini’aadanimo ee gelaya Gaza” ayay tiri Sally Langrish oo ah wakiilka UK,waxayna intaa raaciday in in rayidka Falastiiniyiin oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah ay wajahayaan gaajo, cudurro iyo dhimasho.
Haweeneydaasi waxa ay sharxday in sida uu dhigayo qodobka 59-aad ee Axdiga Afaraad ee Geneva, Israa’iil waa in ay ogolaato oo ay fududayso dadaallada gargaarka marka dadka la gaarsiiyo. Diidmada waxay noqonaysaa xad gudub sharciga caalamiga ah, ayay tidhi.
Tan iyo 2-dii bishii Maarso, Israa’iil waxay xirtay isgoysyada Gaza, iyadoo ka xannibtay saadka lagama maarmaanka ah inay soo galaan Gaza,taasoo keentay warbixinno badan oo ku saabsan macaluul ka jirta dhulka ay dagaalladu baabi’iyeen.
Ciidanka Israa’iil ayaa dib u soo cusboonaysiiyay weerarkii ay ku hayeen Gaza 18-kii March, taas oo burburisay 19-kii Jannaayo xabbad joojin iyo heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo lala galay kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas.