Xarunta Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda qaban qaabada xaflada uu xilka kula wareegayo wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi.
Xafladdaan oo ah mid loo soo abaabulay si heer sare ah ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madax ka socota dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Xafladda xil-wareejinta ayaa imaaneysa xilli la doonayo in dardar cusub la galiyo howlgallada ciidanka ee lagu soo afjaraayo kooxaha khawaarijta.